
Nin xulaa ladoortaa
Mid xaaraan kadheroo
Xalaal quudanayoo
Xakiimaa la doortaa
Mid xiftiya amaanada
Danta guud xisaabiya
Shacab kiisa xeeriya
Maatida xaq dhowroo
Xakiimaa la doortaa
Codkaaga maanta dhiib
Qalbigaaga ku miisaan
Caddaalad iyo daacadnimo
Ha noqdaan jidka berri
Xiligaagii weeyaan
Dhalin yarooy xaqsoorkii
Xildhibaanadaadii
La xabaalay waahoore
Guleedbaa xalkeed sida
Isagaa xillkaas mudan
Boramoo xashiish jirin
Cashuurtoon lagaa xadin
Danyartoon la xaasidin
Guuleed baa xalkeed sida
Isaga xilkaas mudan
Xiligaagii weeyaan
Dhalin yarooy xaqsoorkii
Xildhibaanadaadii
La xabaalay waahoore
Guleedbaa xalkeed sida
Isagaa xillkaas mudan
Xog biriishyo lagu dhiso
Laamiyada dhir lagu xidho
Rajo cusub baa inoo taal
Hawl iyo hiil baa lagu gaadhaa
Gacmaha is qabsada maanta
Geesinimo ku tallaabsada
Qof walba ha helo xaqiisa
Qoys walbana nabad ku noolaado
Dhulkeenna aynu hagaajino
Danta guudna horumarino
Xiligaagii weeyaan
Dhalin yarooy xaqsoorkii
Xildhibaanadaadii
La xabaalay waahoore
Guleedbaa xalkeed sida
Isagaa xillkaas mudan
Nin xulaa ladoortaa
Mid xaaraan kadheroo
Xalaal quudanayoo
Xakiimaa la doortaa
Guuleed baa xalkeed sida
Isaga xilkaas mudan